Thursday, April 30, 2026
29.9 C
Mogadishu

RW Xasan Cali Khayre oo Geneva uga qeyb gelaya Madasha Qaxootiga Adduunka

Geneva (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha XF Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre oo kasoo dhoofay dalka Qatar, ayaa soo gaaray magaalada Geneva ee dalka Switzerland, oo uu uga qayb gelayo madasha qaxootiga adduunka oo maanta furantay.

Madasha Qaxootiga adduunka oo la qabanayo markii ugu horreysay ayaa ah fursad mabaadii’da mas’uuliyad wadaagga caalamiga ah ee qaxootiga loogu bedelayo ficil, laguna soo bandhigayo ballan qaadyo, tabarrucaad, sidoo kalana la isku dhaafsado khibradaha dalalku u leeyhiin arrimaha qaxootiga.

Wasiirrada qorsheynta iyo gargaarka iyo mas’uulyiin kale ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku wehliya ka qayb galka madasha qaxootiga adduunka oo soconeysa mudda sedax maalin ah oo ku eg Deseembar 18, 2019.

Ka qayb galayaasha ayaa ka hadlaya xaaladda taagan iyo sida loo xoojinayo ka jawaabidda caalamiga ah ee arrimaha qaxootiga iyada oo addunyada dacalladeeda ay ku suganyihiin Malaayiin qof oo ay saameeyeen dagaallo, rabshado iyo dhibaatooyin kale.

Tirada qaxootiga dunida ayaa kor u dhaaftay 25 mliyan, waxaana Soomaaliya ku nool 35,438 ruux oo isugu jirta qaxooti iyo dad kale oo megengalya doon ah.

Madasha ayaa sannadkaan diiradda lagu saarayaa isku dubba ridka wadaaga dhibaatada jirta iyo mas’uuliyadaha, waxbarashada, shaqada iyo waxyaabaha aasaaska u ah nolosha, tamarta iyo kaabayaasha dhaqaalaha, xalka iyo awoodda difaaca.

Soomaaliya ayaa madasha ka cadeyneysaa in ballan qaadkeeda diiradda lagu saarayo sedax arrimood oo kala ah, isku dubba ridka wadaaga dhibaatada jirta iyo mas’uuliyadda, shaqada iyo waxyaabaha aasaaska u ah nolosha iyo xaluusha.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...