Friday, December 12, 2025
26.2 C
Mogadishu

WAR DEG DEG: Guddoomiyaha Xisbiga uu aas-aasay Mukhtaar Roobow oo la xiray, yaase xiray?

Guddoomiyaha Xisbiga Amniga & Cadaalada, Yuusuf Xasan Mursal

Muqdisho (Halqaran.com) – Ciidamada Koofi gaduuda Madaxtooyadda Villa Soomaaliya, ayaa maanta xabsiga dhigay Guddoomiyaha Xisbiga Amniga & Cadaalada ee uu aas aasay Muqtaar Roobow Abuu Mansuur oo dowladda Soomaaliya u xiran.

Yuusuf Xasan Mursal ayaa lagala baxay guri ku yaallo Degmada Waaberi ee Gobolkaan Banaadir, kadib markii Ciidamada Koofi gaduuda ay u tageen.

Maxamed Ibraahin Bilaal oo ah Xoghayaha Xisbiga Amni iyo cadaalad ayaa Warbaahinta gudaha u xaqiijiyay xarigaan loo gaystay Gudoomiyaha Xisbigaasi.

Lama oga ilaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysa Xariga loo gaystay Guddoomiyaha Xisbiga Amni iyo Cadaalad, Xisbigaasi Yuusuf Xasan Mursal, waxaana aas aasay Muqtaar Roobow Abuu Mansuur oo ku dhawaad Sanad u xiran dowladda Federalka Somaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...