Monday, May 4, 2026
28.7 C
Mogadishu

UPDATE: Ammaanka Dhuusamareeb oo caawa si aad ah loo adkeeyay

Magaalada Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Caawa si aad ah loo adkeeyey ammaanka magaalada.

Ciidanka Booliska ayaa Axaddii galabta howlgallo ka billaabay Magaalada Dhuusamareeb, waxaana Wararka qaar ay sheegayaan in taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya uu amray in la adkeeyo Ammaanka Magaalada, maadaama halkaasi ka socoto qaban qabadda dhismaha maamulka Galmudug.

Ciidamada ammaanka Dhuusamareeb ayaa ku guulaystay Axaddii maanta inay Gacanta ku soo dhigaan Waxyaabaha Qarxa ka dib howlgal ay ka fuliyeen Xaafaddaha Magaalada.

Taliyaha Booliiska Dhuusamareeb Gaashaanle Cabdullahi Xassan Macallin ayaa ku sheegay inay ku raad joogaan Cidii ka dambeeyey waxyaabahan lala rabay in Shacabka lagu dhibaateeyo.

Ma uusan sheegin taliyaha inay jiraan dad howlgalkaas lagu soo qabtay, balse waxa uu sheegay in weli Ciidamada ay howlgallo kale ka wadaan Xaafadaha Magaalada Dhuusamareeb.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...