Tuesday, April 21, 2026
31.9 C
Mogadishu

WAR DEG DEG: Qarax khasaare geystay oo caawa lagu weeraray Saldhiga bartamaha Gaalkacyo

Gaalkacyo (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in caawa laba qarax oo is xig xiga lagu weeraray saldhiga bartamaha magaalada Gaalkacyo. Waxaana qaraxyadaasi aad looga maqlay xaafadaha ku yaalla waqooyiga Gaalkacyo.

Qaraxyadan oo ahaa bambaanooyinka gacanta laga tuuro ayaa lagu weeraray Xarunta Saldhiga Bartamaha, waxaana qaraxyadaasi kadib la maqlay rasaas xoogan oo ay fureen Ciidamada Booliska ee Gaalkacyo.

Ilaa iyo hadda ma cadda khasaaraha dhabta ah ee qaraxyadaasi ka dhashay, balse waxaa soo baxaya warar sheegaya in hal askari uu ku dhaaawacmay, kaasoo loo qaaday goobaha caafimaadka.

Saraakiisha Ciidamada Booliska Puntland oo la hadlay laanta Af Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay, in qaraxyadaasi uu dhaawac fudud ka soo gaaray askari ka tirsan Ciidamada Booliska, oo xilligaa shaqada ku qornaa.

Wararka ayaa waxay sheegayan in raggii qaraxyadaasi ka dambeeyay ay ka baxsadeen goobtaasi, balse Saraakiisha Booliska ayaa waxaa laga soo xigtay inay wadaan baaritaan ku aadan raggaasi.

A-Shabaab ayaa sheegaya inta badan weerarada ka dhaca Magaalada Gaalkacyo oo dagaal kula jira Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada ka jira dalka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...