Monday, April 20, 2026
30 C
Mogadishu

Mareykanka oo si weyn u soo dhaweeyay heshiiska ay wada gaareen DF Somaliya iyo Ahlu Sunna

Muqdisho (Halqaran.com) – Dowladda Mareykanka ayaa si diirran u soo dhaweysay heshiiska u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Ahlu sunna.

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Danjiraha Mareykanka u fadhiya Muqdisho danjire Donald Y. Yamamoto ayaa lagu sheegay in uu Mareykanku soo dhaweynayo heshiiska labada dhinac ay gaareen Mareykankuna ka go’antahay taageerada dadaalladan iyo hubinta hirgelintooda

Qoraalka ayaa lagu bogaadiyay wada hadallada loogu gogol xaarayay sidii loo gaari lahaa xasillooni siyaasadeed.

“Mareykanka wuxuu bogaadinayaa gorgortamayaasha howsha adag qabtay si loo gaaro heshiis loo wada dhan yahay kaas oo sugaya xasilloonida iyo barwaaqada dowlad-goboleedka Galmudug oo saf muhiim ah uga jirto dadaalkeenna isku jirka ah ee lagula dagaallamayo al-Shabaab” ayaa lagu yiri qoraalka.

Maraeykanka ayaa hoosta ka xarriiqay in uu aqoonsanyahay dadaallada dib-u-heshiisiinta ee ka jiro dalka oo dhan iyo sidoo kale tanaasulka adag ee ay sameeyeen labada dhinac ee ku saabsan qaabka doorashada iyo qaybsiga wakiilnimada baarlamaanka, isaga oo dhiirigeliyey hirgelinta heshiiska.

GalMudug ayuu Danjiruhu ku tilmaamay in ay muhiim u tahay horumarka Soomaaliya dhankoodana ay diyaar u yihiin fududeynta gargaarka bini’aadminimo, kaalmada amniga, iyo horumarka dhaqaale ee dadka reer GalMudug.

Hadalkan taageeraaha ah ayaa yimi kaddib markii Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay ku qancisay Ahlu sunna wal jamaaca in 20 xildhibaan ay ku yeelato golaha baaralamaanka GalMudug oo qeyb ka noqonaya 89-ka mudane ee uu goluhu ka koobnaan doono.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...