Saturday, May 2, 2026
28.1 C
Mogadishu

XOG: Kenya oo amar cusub ka soo saartay diyaaradaha ka soo baxay Kismaayo ee taga Nairobi

Nairobi (Halqaran.com) – Dowladda Kenya ayaa soo saartay amar cusub oo ku socda diyaaradaha sida tooska uga baxa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo.

Amarkaan ayaa ah diyaarad kasta oo duulimaad oo si toos ah uga baxeysa Magaalada Kismaayo inay marto Magaalada Wajeer si halkaasi loogu marsiiyo baaritaan dhanka ammaanka ah.

Go’aankan ayaa ka dambeeyay kaddib markii 14kii Bishii la soo dhaafay Madaxweynayaasha Kenya iyo Soomaaliya kala saxiixdeen heshiis ay qodobadiisa ka mid ahaayeen dib u billaabidda duullimaadyada tooska ah ee Muqdisho iyo Nairobi.

Heshiiskaas ayaa dhigaya in dhammaan diyaaradaha ka baxa Soomaaliya marka laga reebo Muqdisho ay maraan Wajeer si halkaas baaritaan loogu sameeyo.

Agaasimaha Hay’adda duullimaadyada rayidka ee Kenya Gilbert Kibe, ayaa sheegay in dhammaan duullimaadyada aan ka baxeyn Muqdisho marayaan Wajeer taasina tahay amar ka soo baxay Uhuru Kenyatta oo ay hay’addoodu fulineyso.

Intii uu jiray Khilaafka dowladda Federaalka ah iyo Kenya, diyaaradaha ka baxa Kismaayo waxaa ay si toos ah uga dagi jireen Nairobi, waxaana dowladda Kenya sheegtay in hadda laga doonayo in ay maraan Wajeer si loo baaro.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...