Friday, April 17, 2026
27.8 C
Mogadishu

Madaxweynaha Dowlad Goboleed ka Hirshabeele oo Muddo Kadib dib ugu laabtay Jawhar (Sawirro)

Jowhar (Halqaran.com)- Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa Maanta oo Tallaado dib ugu laabtay Magaalada Jowhar ee Caasimadda maamulkaas, kadib markii maalmihii la soo dhaafay oo ku sugnaa Muqdisho.

Soo dhaweynta Madaxweyne Waare ayaa waxaa Hogaaminayay Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe, Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka hIrshabeelle, Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Maamulkiisa.

Dhinaca Kale Waare ayaa inta uu ka maqnaa Jwohar, waxa uu Safaro kala duwan ku tegay Magaalooyinka Beledweyne Muqdisho iyo Nairobi Caasimadda ee Dalka Kenya.

Madaxweyne Waare ayaa inta uu ku sugnaa Muqdisho iyo Nairobi waxaa uu kulamo la qaatay Madax kala duwan, isagoona kala hadlay arrimo ku aadan maamulkiisa.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqrannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...