Wednesday, April 22, 2026
28.6 C
Mogadishu

Boosaaso: Puntland oo Sabab cajiib ah u xirtay Siyaasi caan ah (Ogow Magaciisa)

Siyaasi Muuse Cali Jaamac.

Boosaaso (Halqaran.com) – Waxaa magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa xabsi ku yaalla mar kale lagu xiray Siyaasi deegaanada Puntland caan ka ah, kaasi oo lagu Magacaabo Muuse Cali Jaamac.

Sababta loo xiray Siyaasi Muuse Jaamac ayaa lagu sheegay inay tahay, kadib markii isaga iyo Odayaal kale oo la xiray ay dhaliil kulul u jeediyeen Xukuumadda Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Ciidamo ka tirsan kuwa amniga Puntland ayaa Muuse Cali Jaamac ka qabtay Gudaha Magaalada Boosaaso, isla markaana waxaa la dhigay Xabsi, kaasi oo ay horey Puntland u xiray, kadib markii lagu eedeeyay inuu Akhriyay War-saxaafadeed kasoo baxay Shir looga soo horjeeday Puntland.

Intaasi kadib xiligaas Siyaasi Muuse Jaamac ayaa waxaa lasoo taagay Maxkamad ku taalla Boosaaso, waxaana ay amartay Maxkamadda in xabsiga laga siidaayo Siyaasiga, hayeeshee mar kale ayaa la xiray.

Waxay aheyd maalmo ka hor markii labda Nabadoon oo eedeeynu jeediyay Puntland lagu xiray Magaalada Boosaaso, sidoo kalena kasoo horjeestay heshiiska DP World iyo Garoonka diyaaradaha Boosaaso loogu dhiibay Shirkad laga leeyahay Dalka Imaaraadka Carabta.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...