Thursday, April 30, 2026
32.9 C
Mogadishu

Golaha shacabka oo maanta Ansixiyay xisaab xirka miisaaniyada sanadkii tagay 2017-kii

Muqdisho (Halqaran.com) – Kulankii maanta ka dhacay xarunta golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa lagu ansixiyay xisaab xirka miisaaniyada sanadkii Tagay ee 2017-kii.

Ajandayaashii maanta la horgeeyay kulan golaha shacabka oo ka dhacay xarunta Villa Hargeysa ayaa waxaa ka mid ahaa xisaab xirka miisaaniyadda sanadkii 2017kii ee dowladda, taas oo horay goluhu dib ugu celiyay wasaaradda maaliyadda.

Miisaniyadda maanta la horgeeyay golaha shacabka ayaa waxaa u codeeyay 128 mudane, waxaana diiday 8 Xildhibaan, halka ay ka aamustay 5 Xildhibaan.

Miisaaniyadda la ansixiyay ayaa gaareysa $245, 566,045 waxaana kulankii lagu ansixinayay ee maanta soo xaadiray inta badan wasiirrada xildhibaanada ah ee xukuumadda ka tirsan.

Xafiiska Wararka(Halqaran.com)
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...