Friday, May 1, 2026
28.3 C
Mogadishu

14 qof oo ku dhimatay Shil gaari ka dhacay Somaliland

Berbera (Halqaran.com) – 14 ruux oo saarnaa gaari ayaa ku geeriyooday duleedka Magaalada Berbera ee Gobolka Saaxil, kadib markii Baabuurkii ay saarnaayeen uu shil la galay.

Shilka ayaa ka dhacay meel ku dhaw Warshada Sibidhka ee Magaalada Berbera, kadib markii ay isku dhaceen gaari NOHA ah iyo gaari kuwa qaadka.

Shilkaasi wuxuu sababay geerida 14 ruux oo Oromo ah, kuwaasi oo saarnaa gaariga yar ee noohada ah.

Gaariga Noohada ayaa la sheegay inay saarnaayeen dad gaaraya illaa 20 ruux oo Oromo ah, kuwaasi oo tahriib u socday.

Waxaa kale oo shilkaasi ka dhashay dhaawacyo kala duwan oo soo gaaray intii ka badbaaday geerida ee gaariga Noohada la socotay, kuwaasi oo lagu daaweynaayo Isbitaalka Magaalada Berbera.

Shilkaasi oo dhacay shalay galab ayaa wuxuu ahaay mid argagax badan oo Khasaaraha intaasi la,eeg uu ka dhashay.

Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:



Xafiiska Wararka Halqaran.com
Haqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...