Sunday, July 19, 2026
27 C
Mogadishu

Xubna ka mid ah golaha shacabka oo maanta lagu doortay Muqdisho.

Muqdisho(Halqaran.com) –Xildhibaano ka mid noqonaya Golaha Shacabka ee baarlamanka 11-aad ee Soomaaliya ayaa maanta lagu doortay magaalada Muqdisho caasimadda Soomaaliya.

Doorashada ayaa ka dhacday dugsiga tababarrada ciidanka booliska Soomaaliyeed ee Jeneraal Kaahiye, waxayna ku soo dhamaatay si nabad ah.

Kursiga 1aad ee doorashada Maanta ayaa waxaa ku tartamay Wasiirkii hore ee Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye & Cabdiraxmaan Warsame Saciid, waxaana  ku guuleystay Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo helay 96 Cod halka Cabdiraxmaan Warsame Saciid uu helay 3 Cod, waxaana halaabay laba Cod.

Waxaa Kale oo dib loodoortay maanta xildhibaan Aamino Cumar Jaamac kadib markii ay tanaasushay Aamino Cismaan Diiriye oo la tartameysay,Sidoo kale Faadumo Xasan Cali ayaa iyana la doortay kadib markii sida la sheegay loo tanaasulay .

Kursiga 4aad  waxaa ku tartamay Maxamed Haaruun Cabdullaahi iyo Axmed Cali Maxamuud, waxaana  ku guuleystay Maxamed Haaruun Cabdullaahi, halka musharrixii la tartamayayuusan helin wax cod ah, waxaana afartii sano ee la soo dhaafay kursigaan ku fadhiyay Xildhibaan Jamaal Xasan Ismaaciil.

Korsiga  Shanaad ayaa waxaa ku tartamay  Axmed Cismaaan Diiriye iyo Dayib Cabduqaadir Jaamac, waxaana ku guuleystay kursigan Axmed Cismaaan Diiriye.

Xubnaha maanta la doortay ayaa ku biiraya laba kursi oo horey loo doortay, oo iyagana golaha shacabka kasoo galay dhanka Maamulka Somaliland, waxayna tirada guud ee xildhibaanada dooran noqaneysaa todoba xubnood.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...