Monday, April 27, 2026
27.5 C
Mogadishu

XOG XASAASI AH: Maxaa ka Ogtahay in DF Soomaaliya ay ku guuleysatay inay joojiso dhismaha Saldhigii Imaaraadka ee Berbera? (Maxaa cusub)!

Muqdisho (Halqaran.com) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay in ay ku guuleysatay in la joojiyo dhismaha saldhigii Militari ee Imaaraadka ka dhisayay Magaaladda Berbera.

Dowladda ayaa dhowr jeer dacwad ka gudbisay arrinta dhismaha saldhiga Berbera, iyadoo dowladdu ku doodeysey in ay xadgudub tahay in dowladda UAE ay Saldhig ciidan ka dhisto gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku doodaysay in talaabo qaldan ay aheyd in Imaaraadka uu heshiis la galo Maamul Goboleed.

Ergada joogtada ah ee Soomaaliya u fadhisa Qaramada Midoobey oo uu hoggaaminayay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey Danjire Abuukar Baalle ayaa dadaal galiyay in imaaraadka laga hor istaago joojinta dhismaha saldhiga Berbera.

Dhanka kale wararka ayaa sheegaya in khubaradii ka shaqeyneysay dhismaha Saldhiga ay u dhoofeen Dubai 8-dii September 2019.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...