Muqdisho (Halqaran.com) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay in ay ku guuleysatay in la joojiyo dhismaha saldhigii Militari ee Imaaraadka ka dhisayay Magaaladda Berbera.
Dowladda ayaa dhowr jeer dacwad ka gudbisay arrinta dhismaha saldhiga Berbera, iyadoo dowladdu ku doodeysey in ay xadgudub tahay in dowladda UAE ay Saldhig ciidan ka dhisto gudaha Soomaaliya.
Sidoo kale dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku doodaysay in talaabo qaldan ay aheyd in Imaaraadka uu heshiis la galo Maamul Goboleed.
Ergada joogtada ah ee Soomaaliya u fadhisa Qaramada Midoobey oo uu hoggaaminayay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey Danjire Abuukar Baalle ayaa dadaal galiyay in imaaraadka laga hor istaago joojinta dhismaha saldhiga Berbera.
Dhanka kale wararka ayaa sheegaya in khubaradii ka shaqeyneysay dhismaha Saldhiga ay u dhoofeen Dubai 8-dii September 2019.
Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com