XOG: Ma Dhabbaa in Daroogo lagu iibiyo Qunsuliyadda Soomaaliya ee Jeddah? & Khilaaf adag oo ka taagan qunsuliyadda!

Jeddah (Halqaran.com) – Qunsuliyada ay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ku leedahay magaalada Jeddah ee dalka Sacuudi Carabiya ayaa lagu soo warramayaa in muran xoogan uu ka taagan yahay.

Arrintan ayaa timid, kadib markii Qunsulka guud ee Safaaradda Soomaaliya ee Jeddah Ilyaas Sheekh Cumar Abuukar uu sheegay in wax uu ku sheegay Daroogo lagu dhex iibiyo Xafiiska Qunsuliyada.

Ilyaas Sheekh ayaa hore u xiray goob yar oo Ganacsi oo ku dhex taal Xafiiska Qunsuliyadda oo uu cabitaano kala duwan ku dhex iibsan jiray Darawalkii Qunsuliyadda oo lagu magacaabo Sheekh Nuur oo dhabarka uga jabay shil baabuur muddo laga joogo 10 sano, taasoo sababtay dhaawacii soo gaaray awgii uu shaqadiisii darawalnimo uu wadan waayey, markii uu ka soo kabtay dhaawicii soo gaarayna waxaa loo oggolaaday inuu Xafiiska qunsuliyada uu ganacsi yar ka dhex samaysto oo dadka Soomaaliyeed ee Xafiiska danaha ka leh iyo Odayaasha Jaaliyada Soomaaliyeed ay wax ka iibsadaan.

Warkan uu sheegay Ilyaas Sheekh ayaa sababay in odayaasha Jaaliyada Soomaaliyeed ay aad uga caroodaan ayna sheegeen in Qunsulku uu faafinayo waxyaabo been abuur ah si goobta ayar ee ganacsi ee loo ogolaaday Darawalkaas dhabarka ka jabay u joojiyo ganacsiga yar ee nolol maalmeedkiisa uu ka raadsado.

DAAWO MUUQAALLO KALE ,Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:



Odayaasha Jaaliyadda oo aad uga carooday hadalka Qunsulka ayaa ka dalbaday inuu keeno caddeymo ku saabsan hadalka uu ka dhex sheegay Masjidka Qunsuliyadda, haddii kale ay dacwad u gudbin doonaan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya.

Si kastaba, qunsul Ilyaas ayaa laga soo bedelay dalka Masar oo uu ka ahaa Qunsul, kadib markii muddo dheer uu khilaaf kala dhexeeyey Safiirka Soomaaliya ee Masar.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com