Muqdisho (Halqaran.com) – Xildhibaan ka Tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ragii fuliyay weerarkii Magaalada Kismaayo ay wateen dharka Ciidamadda Booliska Dowladda Soomaaliya.
Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil (Xasan Yare) oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka oo la hadlayay tv-ga Universal ayaa sheegay in weerarkii Magaaladda kismaayo ujeedkiisa ahaa in lagu qalqalgaliyo amniga Magaaladaas oo doorasho martigalinayso.
Sidoo kale, waxa uu sheegay in uu kamid ahaa Xildhibaano daganaa Hoteelka la wareraray, xilliga uu qaraxa dhacayay uu ku jiray qolka uu ka degenaa Hotelka oo uu saacad ka hor ka tagay goob ay wada fadhiyeen rag saaxibadiiisa ah.
Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in uu tuhmaayo in uu jiro xiriir ka dhaxeeyay Villa Somaaliya iyo Maleeshiyaadka Al-Shabaab, islamarkaana ay soo bixi doonaan caddeymo iyo xogo la xiriira weerarkaas.
“Khilaafka siyaasadeed ee xilligan ka dhex jira dowladda iyo Jubbaland in dadka laga mashquuliyo xaalada kale iyo waxaan tuhmeynaa in Shabaab iyo Villa Somalia uu xiriir ka dhaxeeyo oo xaalada taagan in qalqal amni laga abuuro Kismaayo,dharka ay wateen afarta askari ee weeraray Hotelka wuxuu ahaa dharkii Booliska Federaalka ee ugu dambeeyay oo lagu qeybiyay School Polizio, mid waa is qarxiyay, labo waa la dilay, hal nin gacanta lagu hayaa,aniga ka Xildhibaan ahaan waxaa tuhmayaa oo aan aaminsanahay dharka ay wateen, qaabka loo abaabulay, sida Madxatooyada u fikireyso iyo Hey’addaha ammaanka halkaas ka jira inuu jiro tuhun xiriir ka dhaxeeya Maleeshiyaadka Shabaab iyo Madaxtooyada”, ayuu yiri Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil.
Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
halqarannews@gmail.com