Friday, June 26, 2026
26.2 C
Mogadishu

XOG + DHAGEYSO: Maxaa ka jira in Amniga Caasimadda Muqdisho isbaddel weyn lagu sameynayo?

Taliye Cabdi Xasan Xijaar

Muqdisho (Halqaran.com) – Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Cabdi Xasan Xijaar ayaa sheegay in taliska Ciidanka Booliska ay isbadel ku sameyn doonaan Ammaanka Caasimadda Muqdisho.

Waxaa sheegay taliyuhu in Magaalada Muqdisho ay ku soo kordhin doonaan Kontoroollo Cusub iyo baro kale oo loogu tala galay in laga xaqiijiyo Ammaanka Muqdisho.

Taliye Cabdi Xasan Xijaar ayaa waxa uu xusay in dhawaan la howlgali doono inta badan saraakiisha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, islamarkaana isgoys walba la geyn doono Ciidamo iyo taliyahooda si ay halkaasi Ammaankeeda u xaqiijiyaan.

Wuxuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay in lala xisaabtami doono Saraakiisha Ciidanka Booliska ee xukumo Saldhigyadda Booliska magaalada Muqdisho.

Halka Hoose ka dhageyso Codka Taliyaha:

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...