XOG CUSUB: Somaliland oo war ka soo saartay dadkii lagu laayay Ceel-Afweyne & Dad loo qab-qabtay arrintaasi.

Madaxweyne ku-xigeenka  Somaliland, ahna ku simaha madaxweynaha Cabdiraxmaan Saylici

Hargeysa (Halqaran.com) – Madaxweyne ku-xigeenka  Somaliland, ahna ku simaha madaxweynaha Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa si kulul uga hadlay dadkii lagu dilay deegaanka Ceel-Afweyn ee gobolka Sool.

Mudane Saylici ayaa marka hore u tacsiyadeeyay Ehelada 7-dii qof oo afar ka mid ah ay haween ahaayeen, kuwaasi oo lagu dilay deegaanka Ceel-Afweyn.

Madaxweyne ku-xigeenka, ayaa sheegaya in qaar ka mid ah dadkii dilkaasi geystay ay Ciidamada amnigu ay gacanta ku dhigeen halka qaar kale dablaydii geysatay fal-danbiyeedkaa foosha xun.

Wuxuu kaloo xusay, in lagu daba jiro intii kale, isla markaana uu socda hawlgal lagu baadi goobayo, waxaana uu ka dalbaday Ehelada dadkaas inay is dejiyaan.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, ahna ku simaha madaxweynaha Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa ugu baaqayaa bulshada deegaanka Ceel-Afweyn inay xil iska saaraan adkaynta amniga.

”Xukuumadda Somaliland marnaba ma aqbalayso dhiiga dadka ehelka ah ee maalin walba macno la’aanta ku daadanaayo”, ayuu yiri Cabdiraxmaan Seylici.

Waxa uu amray ciidamada ammaanka, iyagoo gudanaya waajibaadkooda qaran inay sugaan nabadgelyada deegaankaasi, cid kasta oo falal amni daro ku hawlana ay gacan bir ah ku qabtaan.

Si kastaba, muddooyinkii dambe waxaa ku soo noqo noqonaya deegaanka Ceel-Afweyn dagaallo u dhaxeeya beello, iyadoona la sheegay in dadkii shalay halkaasi lagu laayayna ay dabab socdaan aanooyin qabiil hore loo geystay.

Xafiiska Halqaran.com, Hargeysa
Halqarannews@gmail.com