Sunday, December 14, 2025
25.5 C
Mogadishu

Daawo Sawirro: Xildhibaannada Baarlamaanka cusub ee Jubbaland oo la dhaariyey, Guddoomiye cusubna doortay

Guddoomiyaha KMG ee Baarlamaanka Jubbaland, Sheekh Cabdi Yuusuf Cali

Kismaayo (Halqaran.com) – Guddoomiyaha KMG ee Baarlamaanka Jubbaland ayaa loo doortay Xildhibaan Sheekh Cabdi Yuusuf Cali oo noqday xildhibaanka ugu da’da weyn, kaddib markii la dhaariyay xildhibaannada cusub ee xalay la soo magacaabay.

Guddoomiyahan cusub ayaa waxa uu xilka sii hayn doonnaa inta laga soo dooran doono Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland iyo Ku-xigeenadiisa.

Guddoonka KMG Baarlamaanka Jubbaland ayaa maarayn doona fadhiyada Baarlamaanka, oo shaqooyin muhiim ah ay horyaalaan inta aan la soo dooran Guddoonka Baarlamaanka.

Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland oo maanta lagu dhaariyay Magaalada Kismaayo ayaa si ku meel gaar ah u doortay inuu shaqada Baarlamaanka sii wado Sheekh Cabdi Yuusuf Cali.

Guddiga Doorashada Jubbaland ayaa xildhibaanadan soo magacaabay, iyadoo isla maanta Magaalada Kismaayo looga dhawaaqay Xildhibaano kale, oo ay soo magacaabeen Guddiga Midowga Musharaxiinta Mucaaradka.

Guddiga Doorashada Jubbaland oo loo xagliyo dhinaca Madaxtooyada Jubbaland ayaa waxaa shaki badan laga muujinaya sida ay dhexdhexaad uga noqon karaan tartanka adag ee la fillaya in uu dhawaan ka qabsoomo Magaalada Kismaayo.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in aanay aqoonsan doonin natiijada Doorashada maamulka Jubbaland ka soo baxda.

Lama oga sida uu xaalka noqon doono, haddii ayba wasaaraddii arrimaha gudaha sii sheegtay in aysan oggolaan doonin natiijo walba oo ka soo baxda doorashadaasi.

Xafiiska Halqaran.com, Kismaayo
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...