Friday, April 17, 2026
27.8 C
Mogadishu

XOG: Cali Geedi oo dhisayo Xisbi mucaarad oo ka dhan ah DF Somaliya! & Villa Somaliya oo..

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cali Maxamed Geedi

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi ayaa isniintii shalay magaalada Muqdisho kaga dhawaaqay in toddobaadkan uu soo magacaabi doono xisbi mucaarad ku ah Dowladda Federaalka Somaliya.

Ra’iisal Wasaarihii hore ee Somaliya ayaa sheegay in uu isagu hoggaamin doono xisbigan, isla-markaana uu noqon doono mid mucaarad ku ah dowladda, sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa uu xusay in Sharciga Dalka uu ogol yahay furashada xisbi mucaarad ah, kaasoo sida uu sheegay uu Baarlamaanka Somaliya meelmariyay, isla-markaana uu Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo digreeto ku saxiixay.

Ra’iisal Wasaarihii hore ee Somaliya Cali Maxamed Geedi, ayaa hoosta ka xariiqay, in xisbi cusub uu Magaalada Muqdisho kaga dhawaaqi doono maalinta Arbacada ah, oo taariikhduna ay ku beegan tahay sagaalka bishan tobnaan.

Cali Maxamed Geedi ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad lagu soo dhaweynayay Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Finish).

Si kastaba, hadalka ka soo yeeray Mr. Geedi ayaa ku soo aadaya, xilli lagu tirinayay Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee sida dhow loola xiriiriyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...