Thursday, June 18, 2026
25.4 C
Mogadishu

Xildhibaankii labaad ee ka tirsan Golaha Shacabka ee BF Soomaaliya oo geeriyooday

Muqdisho (Halqaran.com) – Toddobaad gudihii waxaa Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ka baxay Xildhibaankii labaad, oo u geeriyooday xanuuno uu muddooyinkii ugu dambeysay la tacaalayay.

Allaha u naxariistee Xildhibaan Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamuud Caateeye ayaa xalay ku geeriyooday Magaalada Djibouti ee Xarunta Wadanka Jabuuti, halkaas oo muddooyinkii ugu dambeysay uu ku xanuunsanaa.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa ka tacsiydeeyay geerida ku timid Xildhibaan Caateeye.

“Innaa lillaah wa innaa Ileyhi raajicuun, Ilaahay ha u naxriisto Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamuud Caateeye. Mudooyinkii dambe ayuu ku xanuunsanaa Dalka Jabuuti, waxa uuna ku geeriyooday dalkaasi. Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya ayuu ka tirsanaa, Rabi naxriistii jano haka waraabiyo, anaga iyo ehelkiisana samir iyo iimaan, Ilaahay ha inaga wada siiyo.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Golaha Shacabka.

Sidoo kale, Xildhibaan Aadan Cali Xasan (Jamhuuriya) ayaa habeenkii Sabtida soo galeysay ku geeriyooday Magaalada Muqdisho,

Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre oo ka tacsiyadeeyay geerida Xildhibaan Jamhuuriya ayaa yiri “Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed iyo ehelkii uu ka baxay xildhibaan Aadan Xasan Cali (Jamhuuriya). Waxaan Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, eheladiisana samir iyo iimaan ka siiyo.”

Xildhibaan Jamhuuriya oo soo noqday Xoghayaha Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka ayaa dhawaan loo waday in loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Khayre.

Ugu dambeyn, xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa siyaabooyin kala duwan uga tacsiyadeeyay geerida ku timid Mudaneyaasha Golaha Shacabka ka tirsanaa.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...