Saturday, April 18, 2026
29.9 C
Mogadishu

Puntland: ”Weli waxba nama soo gaarin lacagtii DF Somaliya ee looga hortagayay Cudurka Coronavirus”

Garoowe (Halqaran.com) –Puntland ayaa sheegay wali inaysan soo gaarin lacagtii dowladda Federalka Soomaaliya u balan qaaday Maamul Goboledyada dalka ka jira si ay ula dagaalamaan Cudurka dilaaga ah ee Coronavirus (Covid-19).

Lacagtaasi oo dhan Hal Milyan Saamiga ku soo aadaya Puntland ayaa waxa ay sheegeen inaysan wali soo gaarin, sida uu Warbaahinta xalay u sheegay Wasiir Ku xigeenka Caafimaadka Puntland.

Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Puntland Cabdinaasir Yuusuf Xaaji Xirsi waxa uu sheegay wali inay sugayaan lacagtaasi oo ka timaada dowladda Federalka Soomaaliya, si loogu qoondeeyo ka hortagga COVID-19.

Hadalka wasiirka Puntland ayaa ku soo beegmay maalin kadib markii dowlad goboleedka Jubbaland ay sheegtay in aysan waxba ka soo gaarin Lacagtii dowladda Soomaaliya u fasaxday dowlad goboleedyada si loogu isticmaalo la tacaalidda COVID-19.

Ilaa iyo hadda lama oga sababta dowladda Federalka Soomaaliya wali ugu dhagan tahay lacagtaasi, maadaama Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre uu amray in lacagtaasi la siiyo dowlad Goboledyada dalka ka jira si ay ula tacaalaan Cudurka Coronavirus.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...