Muqdisho(Halqaran.com) –Xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa codkooda kalsoonida siiyey Ra’iisul Wasaaraha cusub mudane Xamse Cabdi Barre, oo dhowaan uu soo magacaabay Madaxweynaha Jamuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxmuud.
Illaa 220 xildhibaan oo kulanka soo xaadiray ayaa si buuxda codka kalsoonida u siiyey ra’iisul wasaaraha cusub, kadib cod gacan taag ah oo loo qaaday, waxaana natiijada ku dhawaaqay guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa waxa uu sheegay in uu soo dhisi doono xukuumad Dalka ka saari doonta Xaaladda adag ee Bania aadamnimada, Dhaqaalaha .
Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa sheegay in sanad iyo bar Dalka uu jiray Xaalad Doorasho iyo in Dowladda Soomaaliya ay hoos uga dhacday heerka ay joogtay sidaas awgeed loo baahan yahay in dalka uu yeesho Ra’iisul Wasaare soo dhisa Xukuumad lagula xisaabtamo.
Raiisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa guda gali doono Maalmaha nagu soo foodleh Dhismaha Golaha Wasiirada xukuumaddiisa.
Xafiiska Wararka HalQaran.com
Halqarannews@gmail.com