Tuesday, October 28, 2025
25.5 C
Mogadishu

Nayjeeriya oo cambaareysay maamuuskii ay Gini u sameysay Muuse Biixi

Abuja (HalQaran.com) – Xildhibaan ka tirsan aqalka sare ee dowladda federaalka Nayjeeriya Shehu Sani ayaa dhaleeceeyay go’aankii ay dowladda Geni ku maamuustay booqashadii khilaafka badan dhalisay ee hoggaamiyaha maamulka Somaliland Muuse Biixi ku tagay dalka ku tagay dalka Gini Konakri.

Mudane Shehu ayaa qoraal uu bartiisa Twitterka ku baahiyay ayuu ku tilmaamay casuumaadii ay dowladda Geni u fidisay hoggaamiyaha Somaliland mid ay ku dooneysay in ay aqoonsi ku siiso maamulka Somaliland ee gooni u goosadka ah.

“Waa ay ku khaldan tahay dowladda Geni iyo dowlad walba oo ku taalla Galbeedka Afrika in ay bixiso nooc kasta oo aqoonsi ah oo la siinayo maamulka gooni u goosadka ah ee Somaliland” ayuu ku yiri bartiisa twitter-ka.

Senatar Shehu Sani ayaa carrabka ku adkeeyay in qaaradda Afrika iyo dalka Nayjeeriyaba ay aqoonsan yihiin kaliya dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Mudanahaan ayaa Soomaaliya u rajeeyay in khilaafaadkeeda lagu xallin doono gudaha dalka sidoo kalena ay Soomaaliya dib cagaheeda ugu istaagi doonto.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa afar maalmood kaddib markii ay dowladda Soomaaliya cabasho ka gudbisay dowladda Geni isla markaana xiriirkii diblumaasiyeed u jartay.

Dowladda Soomaaliya ayaa dowladda Geni ku eedeysay in ay soo faragalisay madaxbannaanida Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa sheegtay in la gaaray xilligii ay dowladda iyo dadka Soomaaliyeedba u sheegi lahaayeen adduun weynaha in aanay wax dulqaad ah u yeelan doonin faragalin kasta oo wax u dhimeysa madaxbanaanida iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.

Xafiiska HalQaran.com, Nairobi
halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...