Wednesday, April 22, 2026
28.6 C
Mogadishu

Xiisad dagaal oo ka jirta duleedka Kismaayo

Kismaayo (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in xiisad dagaal ay ka taagan tahay duleedka galbeed ee magaalada Kismaayo, halkaas oo maalmihii la soo dhaafay ay ku dagaalameen maleeshiyo beeleedyo hubeysan oo deegaanka wada dagan.

Odayaasha iyo culimada deegaanka ayaa wada dadaallo lagu doonayo in lagu aaso maydadka dhawr iyo toban qof oo ku dhintay dagaaladii shalay ka dhacay aaggaasi kuwaas oo yaalla halkii dirirtu ka dhacday sida uu sheegay mid kamid ah culimada magaalada ee wadahadallada ku lugta leh.

Inkasta oo ay socdaan dadaallada lagu doonayo in lagu aaso maydadka dadkii ku dhintay dagaaladii shalay ayaa haddana waxa dhinaca kale socda is uruursi ay sameynayaan kooxaha dagaalka ku lugta leh.

Dagaallada u dhexeeya maleeshiyo beeledyada ee ka dhacaya duleedka Kismaayo ayaa soo noqnoqday dhawrkii bilood ee la soo dhaafay, waxana horey u guuldareystay dhawr heshiis oo dhinacyada is haya la dhex dhigay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...