Wednesday, April 22, 2026
29.9 C
Mogadishu

DEG DEG: Al-Shabaab oo toogtay 6 nin oo ay basaasnimo ku eedeeyeen

Bu’aale (Halqaran.com) – Al-Shabaab ayaa goor-dhow sheegay inay magaalada Bu’aale ee Gobolka Jubbada hoose ku toogteen lix nin oo lagu eedeeyey inay ka tirsan yihiin “basaasiin”.

Wararka ay baahiyeen warbaahinta taageerta maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa ku eedeeyey lixda qof inay u kala basaasayeen dawladda Soomaaliya, Kenya iyo Maraykanka.

Maxkamadaha Ururka Al-Shabaab ayaan oggolaan qareenno inay difaacaan dadka lasoo eedeeyo, waxaana xukunka lagu ridayaa “qirasho” la sheego inay eedeysanayaasha sameeyaan.

Ururka Al-Shabaab ma aysan soo bandhigin magacyada xubnaha ay eedeeyeen ee dilka toogashada ah lagu fuliyay.

Waxaa dadka kasoo goostay maleeshiyaadka Al-Shabaab ay sheegaan in dadka lasoo eedeeyo la jirdilo si loogu qasbo qirasho.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...