London (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson ayaa ku jira maalintii labaad daryeel, isaga oo ku jira Qolka ICU-da ee la dhigo dadka Bukaanada daran ah.
Boris Johnson ayaa waxa uu dareemayaa hadda deganaasho, kadib markii lagu taageeray ogsijiin si uu u neefsado.
Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska, oo laga helay cudurka Covid19 ku dhawaad laba toddobaad ka hor, iyadoo loo qaaday isbitaalka St Thomas ee ku yaal bartamaha London, madaama uu dareemayey qandho daran iyo qufac, laakiin xaaladdiisa ayaa ka sii dartay saacado kadib oo waxaa loo wareejiyay qaybta daryeelka degdegga ah.
55 Sano jirkan ah hoggaamiyaha Ingiriiska ayaa ayaa dalkiisa waxa uu wajahayaa halista cudurkan Safmareenka ah, iyadoo xukuumadiisa ay qaaday tallaabooyin lagu xakameynayo Cudurkan.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com






