Tuesday, October 28, 2025
27.7 C
Mogadishu

Wariye Hodan Naaleeye iyo Seygeeda oo ku dhintay weerarkii Kismaayo

Kismaayo (Halqaran.com) – Warar goor-dhow naga soo gaaray magaalada Kismaayo ayaa waxay sheegayaan in weerarkii galabta ay Al- Shabaabku ku qaadeen Hotel Cas Casey ay ku geeriyootay Wariye Hodan Naaleeye.

Marxuumad Hodan Naaleeye oo aas aastay TV ka shaqeeya is dhexgalka bulshada ayaa maalmihii la soo dhaafay ku sugneyd Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Allaha u naxariistee Hodan Naaleeye ayaa waxaa la soo sheegayaa in weerarkaasi uu kula geeriyooday saygeeda Fariid Jaamac.

Hodan Naaleeye oo caan ka ahayd barraha bulshada ayaa intii ay joogtay Magaalada Kismaayo ka soo tabineysay horumarka ay ku tallaabsatay magaaladaasi iyo khayraadka uu Alle ku maneystay badeeda.

Allaha u naxariistee Hodan Naaleeye ayaa ka timid dalka Canada, halkaasoo ay ka aas aastay TV-geeda ka hadla arrimaha qurbajoogta.

Sidoo kale Wariye Maxamed Sahal (Gacmadheere) oo ahaa wakiil wareedkii Telefishinka SBC ee Magaalada Kismaayo ayaa isna la xaqiijiyay in uu ku dhintay weerarkaasi.

Ganacsade Arbaco Rukun iyo Deeq Ciise Wabi oo toddobaadyo ka hor ka yimid dalka Mareykanka ayaa iyaguna la xaqiijiyay in ay ku dhinteen weerarkaasi.

Xafiiska HalQaran.com, Muqdisho
halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...