Weerarkii Kismaayo oo la soo afjaray & tirada dadkii ku dhintay oo la shaaciyay

Kismaayo (Halqaran.com) – Waxaa lasoo afjaray weerarkii lagu qaaday Hoteelka Cas-casey ee Magaalada Kismaayo ee caasimadda KMG ah ee maamulka Jubbaland.

Maleeshiyaadka ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku bilowday qarax waxa ay ku galeen Hoteelka Cas-casey ay daganaayeen mas’uuliyiin ka Tirsan Dowladda federaalka Soomaaliya, kuwa jubbaland, iyo dad u badan qurba-joog.

Maleeshiyaadka Shabaab-ka ah ee hoteelka weeraray ayaa waxa ay gudaha hoteelka ka geysteen toogasho,waxayna ka dagaalamayeen ilaa subixii Sabtdii ee maanta.

Dadka ku dhintay weerarka waxaa kamid ahaa Maxamed Shuuriye, oo ahaa musharaxiinta Jubaland, Hodan Naaleeye oo ahayd Gabar Caawin jirtay Haweenka danta yar, sidoo kale ahayd Wariye madaxbanaan oo aas aastay Integration TV, Seygeeda oo lagu magacaabi jiray Fariid Jaamac, waxa uu mar soo noqday Wasiir katirsanaa golaha Wasiirada Jubbaland, Maxamed Sahal Cumar (Gacma dheere) oo kamid ahaa Suxufiyiin hotelka ku sugneed Xiligii uu weerarka dhacayay iyo Deeq Ciise Wabi oo la shaqeynay Hay’ado aan Dowli ahayn.

Geesta kale, Isbitaalka Magaalada Kismaayo waxaa la geeyay dad dhaawacyo kala duwan kasoo gaaray weerarka, waxaana xalay ku booqday Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Waa markii ugu horreysay weerar noocaan oo kala ah ee ka dhaca magaaladda kismaayo, oo dhawaan lagu qaban doono doorashadda Madaxtinimadda maamulkaas.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
halqarannews@gmail.com