Muqdisho(Halqaran.com) –Xubnaha midowga musharixiinta mucaaradka oo war qoraal ah soo saaray ayaa soo dhoweeyey tallaabada uu qaaday ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, isla-markaana uu shaqada uga joojiyey taliyihii hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka Fahad Yaasiin.
Golaha midowga musharixiinta ayaa tilmaamay in go’aankan uu fure u yahay inay cadaalad hesho Ikraan Tahliil Faarax oo ay NISA shaacisay inay dileen xoogaga Al-Shabaab.
Goluhu waxa uu u arkaa in Go’aankaan shaqo joojinta uu fure u yahay caddaalad ay helaan qoyska Ikraan Tahliil oo la afduubay lana dilay. Waxay kaloo billow u tahay soo celinta sumcada hay’adda” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Golaha Midowga Musharixiinta.
Sidoo kale musharixiinta ayaa qoraalkooda ku sheegay in go’aankan uu yahay mid soo celinayo sumcaddii hay’adda nabad sugidda, sida ay hadalka u dhigeen.
Golaha Midowga Musharixiinta oo jawaab ka bixiyay go’aanka kasoo baxay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Oo Ku Aadan shaqo ka joojinta Agaasimiha Hay’adda Nabadsugidda & Sirdoonka qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.
“Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday waxa uu caadeystay in uu saaxiibkiis kala weyn yahay Xuquuqda Muwaadinka, Dastuurka Dalka & Danta Qaranka” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Golaha Midowga Musharixiinta.
Ugu dambeyn waxay ka soo horjeesteen qoraalka kasoo baxay xafiiska madaxweynaha, iyaga oo tilmaamay in lagu carqaladeynayo inay cadaalad hesho Ikraan Tahliil Faarax.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





