Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Kheyre oo maanta hortagaya Baarlamaanka Soomaaliya

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya, Marwo Foosiya Abiikar Nuur & Wasiirka Gargaarka Xamze Saciid Xamze

Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa Axadda maanta lagu wadaa in laba ka mid ah Golaha Wasiirada Soomaaliya ay hortaggaan Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya, Marwo Foosiya Abiikar Nuur iyo Wasiirka Gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka, Xamza Saciid Xamza ayaa maanta hortaggi doono Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa horey ugu yeeray labadaan Wasiir, ka dib markii Xildhibaanada Golaha Shacabka ay qaarkood soo jeediyeen in loo yeero Wasiiradaasi, si su’aalo loo weydiiyo.

Wasiirka Gargaarka ayaa waxaa la fillayaa in su’aalaha la weydiin doono ay u badnaadaan fatahaadaha ka dhashay Webiga Shabelle iyo roobabkii Gobolada Dalka ka da’ay billihii la soo dhaafay iyo sida ay Wasaaradiisa uga jawaabtay.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay waday su’aalo ay weydiinayan Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa horey u sheegay inay mid mid ugu yeeri doonaan Wasiirada, si ay ugala xisaabtamaan shaqada ay shacabka Soomaaliyeed u hayaan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com