Friday, May 1, 2026
29.9 C
Mogadishu

Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Koonfur Galbeed oo ku baxay beello ku dagaallamay Deg. Diinsoor


Diinsoor (Halqaran.com) –
Wafdi isugu jira Xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxa ay gaareen degmada Diinsoor ee gobolka Baay, waxayna halkaasi u tageen sidii xal looga gaari lahaa dagaal beeleed ka dhacay halkaasi.

Xubnaha wafdiga iyo qaar kamid ah Odayaasha Dhaqanka degmada Diinsoor ayaa waxaa ay yeesheen kulan looga hadlayay sidii loo dhex dhexaadin lahaa laba beelood oo ku dagaalamey degmada Diinsoor.

Qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed oo wafdiga kamid ahaa ayaa waxaa ay shacabka uga tacsiyadeeyeen dadkii ku dhintey dagaalkii dhacay, waxaana ay sheegeen inay wadaan sidii nabad dadka degmada Diinsoor ugu wada joogi lahaayeen.

Wasiirka arrimaha Gudaha Maamulka Koonfur Galbeed Maxamed Abuukar ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay donayaan in dadka ay nabad ku wada noolaadaan, waxaana uu sheegay in marnaba aysan ogolaan doonin in markale uu dagaal dhaco.

Ugu dambeyn, dad u badan Shacab ayaa ku dhintey dagaal beeleed ka dhacay degmada Diinsoor ee Gobolka Baay iyo dilal la xiriirey aanooyin qabiil walow xaaladu ay haatan degan tahay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...