
Muqdisho (Halqaran.com) – Ciidamada Dowladda ayaa Axaddii maanta Magaalada Muqdisho ku xiray Agaasimihii Maamulka iyo Maaliyadda ee Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya, Maxamuud Maxamed Buule.
Wararka ayaa sheegaya, in ciidamada Dowladda ay agaasimaha ka kaxeysteen Xafiiskiisa Magaalada Muqdisho, sababo aan illaa iyo hadda la shaacin.
Waxaa soo baxaya warar sheegaya oo aan weli la xaqiijin, in xariga sarkaalkan uu la xiriiro arrimo ku aadan musuq maasuq iyo wax is daba-marin.
Sidoo kale Wararka ayaa sheegaya in Madaxtooyada Soomaaliya ay ku daba joogto Saraakiil kale oo ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka, kuwaa oo loo haysto in musuq maasuq ay ku kacayn.
Si kastaba, laamaha amniga ayaa horey Magaalada Muqdisho ugu xiray shaqaale ka tirsanaa Wasaaradaha Xukuumadda qaarkood, kadib markii lala xiriiriyay arrimo musuq maasuq.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





