Wednesday, March 25, 2026
27.5 C
Mogadishu

Wasiirka Waxbarashada oo Joojiyay lacagtii Badneyd ee laga qaadayay Ardeyda Ka qalanjibisa Dugsiyada Sare ee Dalka.

Muqdisho(Halqaran.com) –Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Faarax Sheekh Cabduqaadir ayaa sheegay in Wasaaraddiisa ay joojisay lacagihii laga qaadi jiray Ardeyda doonaysa Shahaadada Dugsiga Sare.

Wasiirka oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in wixii maanta ka dambeeya ay Wasaaradda joojisay lacagihii ay ka qaadi jirtay Ardeyda doonaysa Shahaadada Dugsiga Sare, isaga oo sheegay in Wasaaradda ay Ardeyda ka qaadi doonta lacagta Wasaaradda Maaliyadda oo kaliya.

“Maadaama Shahaadada iyo Imtaxaanka ay yihiin howl ay qabaneyso Wasaaradda Waxbarashada, in laga bilaabo maanta aanay Wasaaradda Waxbarasshadu wax qarash ah aanay ka qaadeynin Shahaadada Ardeyda dugsiga Sare” sida uu yiri Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Faarax Sheekh Cabduqaadir.

Tallaabadan ayaa bilow ah is beddelada uu Wasiirku ku soo kordhinayo nidaamka Waxbarashada dalka oo ka mid ahaa balanqaadkiisa markii uu xilka la wareegay.

Ardaydii Dugsiyada sare ka baxay wixii ka horeeyay 2015kii ee aan galin Imtixaanka Dowlada oo laga qaadi jiray 30 Dolar ayaa iyagana sidoo kale bixin doona 5 Dolar marka ay qaadanayaan Shadaadada Dugsiga sare ee Dowlada.

Hadalka Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Faarax Sheekh Cabduqaadir ayaa ku soo beegmaya xilli ay cabashooyin ay soo gudbiyeen Waalidiinta dhalay Ardeyda dalbaynsa Shahdaada Dugsiga Sare

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...