Tuesday, October 28, 2025
25.4 C
Mogadishu

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo la kulmay Wafdi ka socda Qaramada Midoobey

Muqdisho (Halqaran.com)- Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe) ayaa maanta waxa uu magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay wafdi ka socda QM.

Wafdigan ayaa waxaa hoggaaminaysay wakiilka gaarka ah ee QM u qaabilsan ka hor tagga askareynta Carruurta Virginia Gamba .

Soodhaweynta kadib, ayaa xubnaha wafdigu waxa ay kuln la qaateen Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Cali Maxamed (Amar-Dambe), waxaana ay ka wada hadleen arrimo fara badan .

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaliya ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay in wafdigan maanta muqdisho ay soo gaaraan, isagoo intaas hadalkiisa ku sii daray in inta ay muqdisho ku sugan yihiin ay ka wada hadli doonaan arrimo la xiriira ka Hortagga Askareynta Caruurta.

Wafdiga ayaa sidoo kale inta ay ku sugan yihiin Soomaaliya waxaa la filayaa inay kulamo kala duwan la qaataan Madax ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya .

Xafiiska Wararka(Halqaran.com)
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...