Garoowe (Halqaran.com) – Siciid Cabdullaahi Deni, madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland ayaa Axaddii maanta Xarunta Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku soo dhoweeyey wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Ergeyga Gaar ka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, Mr James Swan.
Kaddib soo dhaweynta wafdigaasi, madaxweynaha iyo Wakiilka QM ee Arrimaha Soomaaliya Amb, Mr James Swan ayaa waxaa ay wada qaateen kulan xasaasi ah oo looga hadlay Arrimo dhowr ah.
Intaasi kaddib Madaxweynaha Puntland oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay ka wada hadleen Arrimaha Siyaasada, Dhaqaalaha iyo Amniga, isla markaana ay uga mahad celiyeen howlaha Hay’adaha UN-ka ay ka wadaan gudaha Puntland.
Sidoo kale, waxaa uu sheegay in ay ka wada sheekeysteen horumarka siyaasadeed ee dalka kajira, isla markaana ay iska qireen in xilligaan dalka uu u baahan yahay in wadahadal wax walba lagu dhameeyo.
Wuxuu kaloo xusay, in ay ka wada hadleen sidii la isugu soo dhaweyn lahaa Madaxda Dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland, isla markaana Puntland ay kaalinteeda ka qaadato.
Si kastaba, ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swam ayaa dhankiisa sheegay in dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada ugu baaqay in ay soo celiyaan wada-shaqeyntii dhexdooda, isla markaasna la xalliyo khilaafka dowladda federaalka iyo Jubbaland.
Halka Hoose ka dhageyso Codka Madaxweyne Saciid Deni:
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com