
Muqdisho (Halqaran.com) – Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa waxa uu ka jawaabay eedeynta ka soo yeertay Maamul Goboleedka Puntland.
Puntland ayaa waxay sheegtay inaanay weli helin min halka milyan ee dollar, ee toddobaadkii hore uu amray Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre in la siiyo Maamul goboleedyada iyo Gobolka Banaadirba.
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo maanta la hadlay laanta Af Soomaaliga ee BBC-da, waxna laga weydiiyay waxa ka hortaagan dhaqaalaha la amray in Maamul Goboleedyada la siiyo, si ay ugula dagaallamaan Coronavirus iyo cabashada ka soo yeertay Puntland iyo Jubbaland ayaa sheegay in shuruudo ay ka horeyso bixinta lacagahaasi.
“Si guud aan kuugu sheego lacagahaasi waxaa weeyaan lacago loogu talagalay in lagaga hortaggo xanuunkan, laakiin lacagtu waxay u baahan tahay maamul iyo maarayn. Shuruudo ayay leeyahay, markaa shuruuda ciddii soo gudbisay waa loo diray, lix maamul baa jir oo Somaliland ku jirin.” ayuu yiri Wasiir Belye.
Wasiirka ayaa tilmaamay in lacagahan loo ogolyahay in la siiyo Maamulada Puntland, Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Maamulka Gobolka Banaadir. Qaarkood ayuu sheegay inay shuruudaha soo bixiyeen loona diray lacagaha, labada kalana ay maanta shuruudaha soo buuxiyeen, loona fasixi doono.
“Waxaa weeyaan shanta Maamul Goboleed iyo Gobolka Banaadir. Saakay saddex baa keenay, shalayna mid baa keentay dhamman waa loo fasaxay, maanta labaa keenay, labadaana waa loo fasaxayaa.” Ayuu yiri Wasiir Beyle.
Wasiirku waxa uu intaasi raaciyay,“Waxaa weeyaan lacagtani, lacag la doonayo inay maamulaan dadka ka shaqeeya COVID-19.”
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





