Diinsoor (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay, ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay qarax ay ku dhinteen dad shacab ah, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen Saraakiil Ciidan oo ka tirsan Maamulka Degmada Diinsoor.
Miinada nooca dhulka lagu aaso, ayaa la galiyay meel ku dhaw Saldhiga Ciidamada Booliska Degmada Diinsoor, waxaana sidaasi ku arkay miinada dadka shacabka ah oo ku wargeliyay Ciidamada Booliska Saldhiga Degmada Diinsoor.
Ciidan uu horkacaayo Taliye Ku Xigeenka Saldhiga Ciidamada Booliska Degmada Diinsoor oo gaaray goobta Miinada ay ku aasnayd ayaa durba ku bilaabay fur furitaanka Miinada, waxaana intii lagu guda jiray fur furista Miinada mar kaliya ay qaraxday, iyadoo halkaasi ay ku dhinteen Afar ruux oo shacab ah oo laba ay yihiin Carruur.
Sidoo kale, waxaa qaraxaasi ku dhaawacmay Taliye Ku xigeenka Ciidamada Booliska Saldhiga Degmada Diinsoor iyo laba askari oo kale oo ku hawlaneyd fur furista Miinada Qaraxday.
Gudoomiyaha Degmada Diinsoor Ibraahin Maxamed Nuur Shig Shigow oo dhacdadan xaqiijiyay ayaa sheegay Ciidamada Booliska Degmada inay yihiin kuwa aad u feejigan oo ka hortagay falal lidi ku ah dhanka ammaanka oo laga gaysan rabay Degmada Diinsoor.
Ururka Al-Shabaab ayaa Miinooyinka noocaan oo kale ah waxa ay ku aasaan wadooyinka ay maraan gaadiidka Ciidamada dowladda.
Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com