Sunday, May 31, 2026
26.4 C
Mogadishu

Wararkii ugu dambeeyay dagaalyahano Al-Shabaab ah oo lagu dilay Gobolka Hiiraan

Hiiraan (Halqaran.com) – Hawgal lagu dilay xubno ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan ee Bartamaha Soomaaliya.

Hawlgalka ayaa wuxuu ka dhacay inta u dhaxeysa Magaalooyinka Jalalaqsi iyo Buulo burte ee Gobolkaasi Hiiraan sida uu xaqiijiyay Gudoomiyaha Degmada Jalalaqsi.

Guddoomiyaha degmada Jalalaqsi Maxamed Nuur Cagajoof ayaa sheegay in xubnahan ka tirsan Al-Shabaab ay saarnaayeen gaari Caasi ah, isla markaana ay wadada u galeen.

Wuxuu sheegay Ciidamada dowladda oo haayay xogta dagaalyahanadaasi inay wadada u galeen, islamarkaana ay dileen ku dhawaad 20 dagaalyahan oo gaariga saarnaa.

Waxa kale uu sheegay inay soo furteen Ciidanka 18 Qori oo ay wateen xubnihii hawlgalkasi lagu dilay.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid ka madax banaan Saraakiisha Ciidamada dowladda oo xaqiijinaysa sheegashada ku aadan in la dilay xubnahaasi ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...