Sunday, April 26, 2026
28.2 C
Mogadishu

Wararkii ugu dambeeyay dagaalkii Sh/hoose ku dhexmaray ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab

Sh/Hoose (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in dagaal u dhexeeya ciidamada dawladda iyo maleeshiyada Al-Shabaab uu maanta ka dhacay degaan u dhexeeya Afgooye iyo Wanlaweyn.

Dagaalkan ayaa dhacay kadib markii maleeshiyada Al-Shabaab ay jidka u galeen ciidanka, iyaga oo adeegsaday qarax, kadibna jid-gal.

Wararka dhinaca amniga ayaa waxay sheegayaan inuu jiro khasaare soo gaaray askarta iyo maleeshiyada Al-Shabaab, iyo weliba gaadiidka dagaalka.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhinacyada ku dagaalamay Shabellaha hoose, kaasi oo ku aadan Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi.

Al-Shabaab ayaa muddooyinkii dambe kordhiyay weerarada ay la beegsanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom ee ku sugan deegaanno iyo Degmooyin ka tirsan Gobolka Shabellaha hoose.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...