Sunday, April 26, 2026
28.2 C
Mogadishu

DAAWO SAWIRRO: Guddoomiyaha golaha aqalka sare oo Muqdisho kula kulmay Safiirka Sweden

Muqdisho (Halqaran.com) – Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku qaabilay Safiirka Sweden ee Somaliya, Amb. Staffan Tillander.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare iyo Safiirka Sweden ayaa waxay ka wada hadleen arrimo ay ugu muhiimsan yihiin Doorashooyinka sanadka soo socda lagu wado inay dalka ka qabsoomaan.

Sidoo kale, labada dhinac ayaa waxay ka wada hadleen iskaashiga soo jireenka ee labada dal ka dhaxeeya iyo taageerada Dowladda Sweden ee Soomaaliya.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa muddooyinkii ugu dambeysay dalka ka waday kulamo ay Madaxda Dowladda iyo Siyaasiyiinta Xisbiyada KMG ee dalka ka jira ugala hadlayeen doorashooyinka waqtigooda ku qabsooma oo Somaliya ka dhaca sanadka ina soo aadan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...