Wararkii ugu dambeeyay dagaalkii ka dhacay deegaanka Luuq Jeelow ee gobolka Hiiraan iyo Khasaarihii uu geystay

Hiiraan (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay uu Gobolkaasi ka dhacay dagaal u dhaxeeyay maleeshiyaadka Al-Shabaab iyo Ciidanka loo yaqaan macawiisleyda.

Dagaalka ayaa wuxuu ka dhacay deegaanka Luuq Jeelow oo ay ku sugan yihiin Ururka Al-Shabaab, kadib markii ay weerareen dagaalyahano ka tirsan Ciidamada loo yaqaan Macawiisleyda.

Sarkaal ka tirsan Ciidanka Macawiisleyda oo la hadlay Warbaahinta gudaha ayaa sheegaya in Dagalkaasi ay ku dileen 7 Nin oo ka tirsan maleeshiyaadka Kooxda Al-Shabaab.

Waxa uu sheegay Sarkaalkaasi weerarkaasi inuu ahaa mid qorsheysan oo lala beegsaday fariisimo Shabaabka ay ku leeyihiin deegaanka Luuq Jeelow oo dadka ay ku dhibaateeyaan.

Ma jirto ilo wareedyo ka madax banaan Sarkaalkaasi oo xaqiijinaya in Al-Shabaab 7 Askari looga dilay weerarka ka dhacay deegaanka Luuq Jeelow ee Gobolka Hiiraan.

Al-Shabaab iyo Ciidamada Macawiisleyda ayaa ku dagaalama deegaano & Degmooyin ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Si kastaba, kooxda Macawiisleyda ayaa ah dadka deegaanka oo is aruursaday, islamarkaana u dulqaadan waayay dhibaatada Shabaab ay ku hayaan dadka shacabka ah.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com