Saturday, May 30, 2026
26.7 C
Mogadishu

Wararkii ugu dambeeyay dagaalkii cuslaa ee gobolka Baay ku dhexmaray Al-Shabaab iyo ciidamada K/Galbeed

Baydhabo (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya Gobolka Baay ee Koonfurta Somaliya, ayaa sheegaya inuu halkaasi ka dhacay dagaal culus oo u dhaxeeyay maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab iyo Ciidamada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Dagaalkaan ayaa wuxuu ka dambeeyay, kadib markii Ciidamada Al-Shabaab wadada ay u galeen Ciidanka Koonfur Galbeed oo ku socdaalaayay inta u dhaxeysa Baydhabo iyo Daynuunay.

Dagaalka oo ahaa jidgal ayaa wararka waxa ay sheegayaan inuu socday ku dhawaad saacad, labada dhinacna hubka culus ay isku adeegsanayeen.

Saraakiisha Ciidamada Koonfur Galbeed, ayaa sheegay hal Askari inuu kaga dhintay dagaalkaasi, sidoo kalena ay jiraan dhaawayco soo gaaray ciidankooda, waxaa kale oo ay sheegeen Shabaabkii dagaalka ay la galeen Khasaare xoog leh inay gaarsiiyeen.

Wararkii ugu dambeeyey ee galabta laga helayo wadada xiriirisa Daynuunay iyo Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Koonfur Galbeed ay halkaasi ka wadaan dhaq dhaqaaqyo iyo hawlgallo kala duwan.

Ururka Al-Shabaab ayaa weerarada jid galka ah waxa ay la beegsadaan Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed ee mara deeganada kala duwan ee Gobolka Baay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...