Saturday, May 30, 2026
26.7 C
Mogadishu

Amnesty International oo sheegtay in Suxufiyiinta Soomaaliyeed ay ku noolyihiin cabsi

Muqdisho (Halqaran.com) – Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa warbixin ay maanta soo saartay ku sheegtay in suxufiyiinta Soomaaliya “la haysto,” wajahayaan qaraxyo, garaac, weeraro iyo xarig.

Soomaaliya ayaa muddo ahayd mid ka mid ah dalalka ugu halista badan ee suxufiyiinta ay ka howl-galaan, ayaga oo wajahayey laba halis oo kala ah kasoo waramidda dagaallada, iyo sharciyo adag oo ay soo rogaan mas’uuliyiinta.

Hase yeeshee xaaladda ayaa iminka kasii dareysa, sida lagu sheegay warbixinta Amnesty oo cinwaan looga dhigay “Waxaan ku noolnahay cabsi joogto ah.”

Amnesty ayaa sheegtay in suxufiyiinta Soomaaliya ay halis ka wajahayaan dhinac kasta, sida weerarada kooxda Al-Shabaab iyo dowladda caalamku uu taageero ee Soomaaliya.

Sida warbixinta ay tiri, ugu yaraan sided suxufi ayaa lagu dilay Soomaaliya tan iyo sanaddii 2017, ayada oo ugu yaraan sideeda kale ay dalka uga carareen cabsi ay u qabaan noloshooda.

“Ka bad-baadidda qaraxyo baabuur, in la toogto, la garaaco, loo xiro si sharci-darro ah, suxfiyiinta waxay ku shaqeynayaan xaalado argagax leh,” waxaa sidaas yiri Deprose Muchena, oo ah madaxa Amnesty ee Bariga iyo Koonfurta Afrika.

Dowladda Soomaaliya weli jawaab kama bixin eedeymaha ka dhanka ah ee lagu sheegay warbixinta Amnesty.

Xigasho – VOA

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...