WAR DEG DEG: Dagaal khasaare geystay oo goor-dhow ka dhacay Degmada Dayniile ee G/Banaadir

Muqdisho (Halqaran.com) – Warar goor-dhow naga soo gaaray degmada Dayniile ee gobolka Banaadi, ayaa sheegaya in iska horimaad khasaaro sababay uu duhurnimadii maanta ka dhacay Degmada Dayniile.

Dagaalkan oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda iyo dabley hubeysan ayaa ka dhacay Inta u dhaxeyso xaafadda Saban Saban iyo Haanta Dheer ee Degmada Dayniile.

Wararka ay helayso Halqaran.com, ayaa sheegaya, in uu iska horimaadku ka dhashay murun la xiriira lahaanshiyaha dhul.

Dableyda ayaa la sheegay inay is hortaag ku sameeyen dad rayid ah oo doonaayay in ay dhistaan dhul ay leeyihiin, waxaana intaasi ka dib ku baxay ciidan uu horkacayay Xoghayaha Degmada Dayniile, Mahad Maxamed Shiraawe.

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in murunka dhulka ku saabsan uu maalmihii la soo dhaafay ka taagnaa Degmada Dayniile, inkastoo ay guul-dareysteen daddaalo lagu doonaayay in lagu soo afjaro.

Geesta kale iska horimaadkan oo laga dareemay Degmada Dayniile ayaa sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba isugu jira. Dadka ku dhaawacmay waxaa ka mid ah Xoghayaha Degmada Dayniile.

Wararka aynu ka haleeno Dayniile ayaa tibaaxaya, in iska horimaadka uu si iskiis ah u istaagay, isla-markaana la bilaabay waan waan lagu doonayo in xiisadda lagu qaboojiyo.

Si kastaba, murunka ku saabsan arrimaha dhulka oo ku soo badanaya Magaalada Muqdisho ayaa xilliyada qaarkood waxaa ka dhasha gacan ka hadal sababa khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com