Sunday, March 15, 2026
29.4 C
Mogadishu

WAR CUSUB: Ciidamada Ahlu Sunna oo dhaq-dhaqaaq Ciidan ka wada Dhuusamareeb & Jawiga oo..

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Ciidamada Ahlu Sunna ee dhawaan lagu biiriyay Ciidanka dowladda ayaa lagu soo waramayaa inay dhaq dhaqaaq Ciidan ka wadaan Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug.

Sida ay ku soo warramayaan weriyeyaasha ku sugan Magaalada Dhuusamareeb in saaka illaa galabtan waxa ay ciidamada wadeen dhaqdhaqaaqa Ciidan ee la xiriira Magaalada gudaheeda.

Ciidankaan ayaa la sheegayaa in qorshahooda uu yahay la wareegista ammaanka guud ee Magaalada gudaheeda, kadib markii madaxda Ahlu Sunna shaki ka muujiyeen dhaqangalka heshiiskii dowladda ay la gashay Maamulkii Ahlu Sunna.

Ciidamadii Ahlu Sunna ee dhawaan la sheegay in la qarameeyay ayaa lagu arkayaa Xaafadaha kala duwan ee Magaalada Dhuusamareeb, waxaana arrintaasi dareen cabsi leh ku abuurtay Bulshada ku nool Magaalada.

Warar soo baxay ayaa sheegaya in Ciidamada Ahlu Sunna ay doonayaan inay la wareegaan ammaanka guud ee Dhuusamareeb & Garoonka Diyaaradaha, halkaasi oo iminka ay ku sugan yihiin Ciidamada Danab ee amniga Garoonka lagu wareejiyay xilli hore.

Madaxda Ahlu Sunna ayaa shaki wayn ka qaba dhaqan galka heshiiskii ay la galeen madaxda dowladda Federalka Somaliya.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...