Thursday, April 30, 2026
29.9 C
Mogadishu

Wafdi uu Hoggaaminayo Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Gurmadka Abaaraha oo Gaaray Doolow.

Doolow(Halqaran.com) –Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo wafdi uu hoggaaminyo ayaa gaaray degmada Doolow ee Gobolka Gedo

Socdaalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur ee Doolow ayaa ah mid ku aaddan gurmadka loo fidinayo dadka ay Abaaruhu saameeyeen ee ku nool Doolow iyo degaanada kale ee hoos yimaada.

Maamulka Gobolka Gedo, Taliyaha Nabadsugida Gobolka Maamulka Degmada Dolow Somaliya Wasiirkii Arimaha Gudaha Jubaland qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa soo dhaweyn balaaran u sameeyey

Tan iyo Markii Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shekh Maxamuud uu Magacaabay Xildhibaan Cabdiraxmaan waxaa uu waday dadaallo xooggan oo ku aaddan sidii gar-gaar loo gaarsiin lahaa dadka Abaaruhu saameeyeen.

Sido kale Ergayga inta uu joogo halkaasi waxa uu  kormeer ku tagi doonaa xerooyinka ay ku jiraan qoysaska barakacayaasha ah,isagoona sidokale warbixino ka dhageeysan doon maamulka degmada taa oo la xiriirto xaalada abaaraha ka jira Gobolka Gedo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...