UPDATE: Weerar Khasaare badan geystay oo ka dhacay gobolka Mudug & Wararkii ugu dambeeyay

Gaalkacyo (Halqaran.com) – Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Gobolka Mudug, ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay weerar sababay dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay hal ruux ayaa geeriyooday halka saddex kalena ay dhaawacmeen, kadib markii dabley hubeysan ay rasaas ku fureen gaari ay la socdeen dadkaas, xilli uu maraayay deegaanka Dagaari.

Gaariga ayaa ka baxay deegaanka Galinsoor waxuuna ku sii jeeday magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, waxaana la sheegay inay goobta iskaga baxsadeen kooxdii falkaas ka dambeysay.

Kooxaha hubeysan ee falkaasi gaystay oo aan la garaneyn ayaa mar kaliya waxa ay rasaas ku fureen gaarigii ay saarnaayeen dadkaan shacabka ah.

Dadkii dhaawaca uu soo gaaray, ayaa waxaa lagu daaweynayaa Isbitaalka Magaalada Gaalkacyo.

Ciidamada Booliska Galmudug ayaa la sheegay Axaddii saaka inay ku baxeen deegaanka Dagaari oo xalay dhacdadaan ay ka dhacday si loo raadiyo dablaydii falkaasi dilka ah gaysatay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com