Sunday, December 14, 2025
26.5 C
Mogadishu

UPDATE: Wararkii ugu dambeeyay qarax khasaare geystay oo ka dhacay isgoyska Zoobe ee Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) –  Waxaa faah-faahin dheeraad ah ka soo baxaya qarax gaari ku xirnaa oo maanta ka dhacay Magaaladda Muqdisho.

Qaraxaan ayaa ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho, waxaana gaariga qarxay Saarnaa Xubno Turki ah.

Ilo kamid ah hay’adaha amaanka ayaa u sheegay warbaahinta Gudaha in Gaarigaasi ay wateen shaqaale kamid ah kuwa dhismaha kawada Waddada Muqdisho iyo Afgooye oo ay waddo shirikadd laga leeyahay dalka Turkiga.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxa uu dhaawac kasoo gaaray laba ruux oo shacab ah oo wadada marayay.

Maalmo ka hor ayeey aheyd markii qarax miino lala eegtay Gaari ay wateen xubno Injineero Turki ah oo ku hawlanaay dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye qaraxaasi oo ka dhacay meel ku dhaw xarunta deegaanka Garasbaaley.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...