Muqdisho (Halqaran.com) – Mahdi Maxamed Guuleed oo ah ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka ayaa garab istaag xoog leh u muujiyey Ra’iisul Wasaaraha XF Soomaaliya Mudane Rooble, kadib eedeyntii Jimcihii maanta ka soo yeertay siyaasiyiin iyo waxgarad ka soo jeeda gobollada waqooyi ee Somaliland.
“Wixii maanta ka dhacay guriga Cabdi Xaashi dhaqan Soomaaliyeed ma aheyn Ra’iisul Wasaare Rooble iyo beeshiisa Habargidir waxaan ka raali gelinayaa gefkaas, waxaan leeyahay xaal qaata, Ra’iisul wasaarow raali ahaaw, beesha Habargidir-na hanaga raali noqoto,” ayuu yiri RW ku-xigeenka dalka Mahdi Guuleed.
Halka hoose ka Daawo Muuqaalka raali-gelinta Mahdi Guuleed:
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





