Tuesday, May 12, 2026
27.3 C
Mogadishu

UPDATE: Sidee ku suurta-gashay inay iiraan sii deyso Markabkii Britain!

Markabka Britain ee la sii daayay / Photo: Reuters

Iran (Halqaran.com) – Markab watay calanka dalka Britain, kaas oo bishii July ay qabsatay dawladda Iran ayaa Sabtidii shalay ku xirtay dekedda dalka Dubai ee Isutagga Imaaraadka Carabta.

Warkan waxa laga soo xigtay dhowr warfidiyeen iyo website ururiya wararka maraakiibta.

Markabkan oo lagu magacaabo Stena Impero, kaas oo lagu hayey deegaanka Bandar Cabbaas ee dalka Iran, in ka badan labo bilood, ayaa bilaabay inuu ka dhaqaaqo dalkaas Jimcihii dorraad, isago oo gaaray Dubai Sabtidii shalay.

Erik Hanell oo ah agaasimaha shirkadda leh markabkan ayaa warfidiyeenka u sheegay in shaqaalaha markabka la soo daayey ay nabdoon yihiin, niyadooduna ay wanaagsan tahay.

Waxa uu intaas ku daray in shaqaalaha loo diyaariyey sidii ay qosaskoodii dib ugu noqon lahaayeen.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...