Monday, April 20, 2026
29.2 C
Mogadishu

Maxaa ka soo baxay kulankii maanta Duqa Muqdisho uu la yeeshay Saraakiil ka tirsan UN-ka?

Muqdisho (Halqaran.coom) – Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish), guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa maanta xafiiskiisa kulan gaar ah kula qaatay Wafdi oo hoggaaminayay Wakiilka Hey’ada QM u qaabilsan Barnaamijka Horumarinta Aduunka ee UNDP Qeybteeda Soomaaliya Mr. Jocelyn Mason Kaas oo ay kaga Hadleyn dhowr qodob oo quseeya Horumarinta Caasimadda.

Qodobada laga hadlay waxaa lamid ahaa Gargaarka Barakacayaasha, Fulinta Mashaariic waxtar u leh Bulshada, dhismaha Xarumaha danta guud, Shaqa abuurka Dhallinyarada iyo arimaha la xiriira Kobcinta Dhaqaalaha.

Shirka kadib waxaa Warbaahinta la hadlay Wakiilka Hey’ada QM u qaabilsan Barnaamijka horumarinta Aduunka ee UNDP Qeybteeda Soomaaliya Mr. Jocelyn Mason.

Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) waxa uu tilmaamay in Hey’ada UNDP ay isku afgarteen in sida ugu Macquul Loo hirgaliyo Waxyaabihii Laga Wada Hadlay.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...